Nabadoon goor dhaw lagu dillay magaalada Beledweyne

by admin | Saturday, Jun 20, 2015

Beledweyne : HN :– Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw meel aan gurigiisa ka fogeyn ku dillay Nabadoon-Mumin-Barrenabadoon Muumin Barre oo ka mid ahaa nabadoonada ugu cad cad marka la eego odayaasha dhaqanka gobolka.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in rag dhalinyarro ah oo ku hubeysnaa bastoolado toogasho ku dilleen nabadoon xili uu ku sii jeeday gurigiisa, waxaana markiiba goobta ka baxsaday raggii toogashada geystay.

Ma jirto cid sheegatay dilka nabadoonka, inkastoo marar badan oo hore dilal loogu geystay gobolka waxgarad iyo aqoonyahanno mas’uuliyadeeda sheegteen Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammniga, hasse ahaatee waxaa jira howl-gal ay wadaan ciidammada nabad-galyada oo lagu baadi-goobayo kooxihii dilka ka danbeyay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!