Nabadoon Xaad” haddii aan u kacno xalinta khilaafka madaxda sare waan ku guuleysan karnaa

by admin | Thursday, Nov 27, 2014

Muqdisho : HN :–Guddoomiyaha gollaha odayaasha dhaqanka Muqdisho nabadoon Max’ed Xassan Xaad oo markii ugu horeysan ka hadllay khilaafka soo kala dhax-gallay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in hadda khilaafkaas uu marayo sidda uu hadalka u dhigay meeshii ugu sareysa.

Waxaa uu sheegay guddoomiye Xaad in dhacooda haddii looga baahdo in ay arrinta  dhax-gallaan ay u fudutahay sidda uu hadalka u dhigayxaad1-620x330 in ay xaliyaan.

”Haddii howshaa naloo idmado in aynu gallno waxaan rajo badan ka qabaa in aan sidda ugu dhaqsiyaha badan u soo afjari karno, hadda khilaafku waxaa uu u muuqdaa mid faraha ka sii baxaya oo cuuryaamiyay howlihii dowladda ayuu yiri” Max’ed Xassan Xaad.

Beesha Caalamka ayaa horay ugu guul dareysatay inay xaliyaan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo Madaxweynuhu si cad u sheegay in aanu la shaqeyn karin Ra’iisul Wasaaraha oo ay tahay inuu meesha ka baxo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!