Nabadoon xalay lagu dilay degmada Baardheere ee gobolka Gedo

by wadani | Thursday, Oct 6, 2016

Baardheera : HN :-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan  xalay fiidkii Magaalada ku dilleen nabadoon si weyn looga yaqaanay Magaalada.

Nabadoonka la dilay, ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Ibraahin Qorax, kaasi oo si weyn looga garanaayay Magaalada, waxaana dilay Dabley hubaysan.

Xilliga falka dilka ah uu dhacaayay ayaa Nabadoonka, wuxuu ka soo baxay Masaajid uu ku tukaday oo ku yaala Degmada Baardheere, waxaana dilay Dhagarqabayal Masaajidka hortiisa ku sugaayay.

 Guddoomiyaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, Cadow Nuur Xasan ayaa Idaacada VOA, u sheegay inay baxsadeen dableydii dilka geysatay, balse laamaha ammaanka Degmada ay ku raadjoogaan.

Wuxuu sheegay ciidamada ammaanka Degmada Baardheere inay wadaan howlgalo lagu raadinaayo dambiilayaasha falka dilka ah geystay ee ka baxsaday gacanta ciidanka.

Nabadoon Ibraahin Qorax, ayaa ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee sida weyn looga yaqaanay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Muddooyinkaan dambe waxaa sii kordhaya dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Deeganada ay Maamusho Dowladda Federalka Somaliya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!