Nabadoon xalay lagu dilay degmada Baraawe

by wadani | Wednesday, Dec 6, 2017

Baraawe : HN :-Kooxo Hubeysan ayaa xalay degmada Baraawe ku dilay Nabadoon caan ka ahaa degmadaas, kaddib markii uu ka soo baxay masaajid, iyadoo kooxdii falkaas dilka geystay ay baxsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka la dilay lagu magacaabi jiray Sayid Xaaji Xuseen, waxaana uu ahaa nin da’ ah, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Nabadoonkan ayaa xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ka soo noqday degmada Baraawe Xoghaye.

Ciidamada ammaanka Baraawe ayaa xalay ka sameeyay xaafadaha degmada howl gallo lagu baadigoobayo kooxdii dilka geysatay, hase ahaatee laguma guuleysan in la soo qabto.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!