Nadiifo Max’uud Cismaan oo ku guuldareystay doorasho maanta ka dhacday Jowhar

by wadani | Saturday, Dec 3, 2016

Jowhar : HN  :-Nadiifo Max’uud Cismaan oo horay uga tirsaneyd xildhibaanada baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa loogaga guuleystey doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle.

Afar haween ah ayaa ku tartantay kursigii ugu horeeyay ee beesha Baade Cade iyadoo ay ku guuleysatay Faadumo Faarax Ibraahin(Qamar).

Haweenka ku tartamay kursigan ayaa waxa ay kala ahaayeen Faadumo faarax ibraahin, Nadiifo Muxumad Cismaan,Maryan Cabdulaahi Hilowle iyo Sacdiyo Muumin Cumar.

Wareegii hore ayaa waxaa ku soo baxay Faadumo Faarax Ibraahin oo 22 cod heshay,Nadiifo Muxumad Cismaan oo 14 cod keensatay halka ay wareegii koowaad ay ku hareen musharixiinta kala ahaa Maryan Cabdulaahi Hilowle oo heshay 11 cod iyo Sacdiyo Muumin Cumar oo heshay 3 cod.

Wareegii labaad oo ay ku tartameen Faadumo Qamar iyo Nadiifo Muxumad ayaa waxaa 37 cod heshay Faadumo Qamar halka Nadiifo Muxumad oo ahayd xildhibaanad hore ay ka heshay 15 cod.

Ugu danbeyntii, doorashada Aqalka Hoose ee magaalada Jowhar ayaa waxaa weli la sugayaa illaa lix kursi iyadoo lagu soo kordhiyay hal kursi oo ay beesha carbeed leedahay.

dsc02436 dsc02438

 

dsc02452

dsc02461 dsc02464 dsc02465

dsc02470

dsc02474 dsc02481

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!