Nalalka cad cadeeda ku shaqeeya ee Gaalkacyo oo la bilaabay in la qarxiyo

by admin | Friday, Nov 21, 2014

Gaalkacyo : HN :– Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa dhawaan laga bilaabay in la galiyo jidadka halbowlaha u ah, gaar ahaan wadada gasha garoonka diyaaradaha Muqdisho nalalka ku shaqeeya cad-cadeeda.

Wararku waxaa ay sheegayaan in labo ka mid ah baalayasha ay ku xirnaayeen layrarka ayaa la qaxriyay ,waxaana mid ka mid ah kuwa yaalla waddada aada garoonka diyaaradaha la sheegay in lugu xiray qarax.

“Walaal waxan ku sheegi kara layrarka mid ku yaalla wadada garoonka diyaaradaha aada in lugu xiray qarax meesha batariga la galiyonala saaku qarxay,qar ka mid xaafadaha ku dhow waxaa gaaray firir balse wax khasaaro ah maanan maqal,”sida waxaa jiro qof ku dhawaa goobta lugu qarxiyay baalaha uu layrku ku xirna.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa la sheegay inay tageen goobta uu qaraxan ka dhacay,balse ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay.

Laamaha ammaanka Gaalkacyo ayaa horay u sheegay inay xoojin doonan amniga,iyadoo ciidammo la geynayo xaafadaha iyo meelaha muhiimka ah ee ku yaalla magaalada.

Xaaladda ammaanka ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid hagaagsan,balse arrinta waxaa wax u dhimin dhallinyaro hubaysan oo bartamaha magaalada ku dishay wariye ka howlgalla warbaahinta gobolka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!