Natiijada doorashada madaxtinimada Kenya oo maanta lagu dhawaaqayo

by wadani | Friday, Aug 11, 2017

Nairobi : HN :-Waxaa socda tirintii ugu dameysay codadka doorashadii ka dhacday Talaadadii aynu ka soo gudubnay dalka Kenya iyadoo duhurnimada maanta lagu dhowaaqi doono natiijada.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha ee Kenya, Wafula Chebukati, ayaa sheegay in dhamaan dukumintiyada ay sugayaan ay soo gaarayaan maanta, markaa ka dibna ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah.

Waxaa la filayaa in wixii 12ka duhurnimo ka dambeeya lagu dhawaaqo cidda ku guuleysatay madaxweynenimada Kenya.

Natiijada horu-dhaca ah ee ay guddiga doorashadu sheegeen ilaa iyo hadda ayaa muujineysa in Madaxweynaha Kursiga difaacanaya Uhuru Kenyatta uu ka horeeyo, Hogaamiyaha Mucaaradka Ra’ila Odinga sagal buundo.

Balse,mucaaradka ayaa natiijadaasi diidan iyagoo ku tilmaamay mid la musuqmaasuqay ka dib markii la jabsaday sida ay ku doodayaan computerada guddiga doorashada Kenya.

Haya’adaha caalamiga ah ee kormeerayay doorashada ayaa  amaanay qaabka ay u dhacday iyo weliba sida loo diyaarinayo natiijada,balse waxaa laga cabsi qabaa in rabshado ay ka dhacaan dalka Kenya iyadoo weli mucaaradka ay sheeganayaan inay ku guuleysteen.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!