Natiijada doorashada Nigeria oo la fillay in maanta la soo saaro

by admin | Monday, Mar 30, 2015

Abuja : HN :–Wararka naga soo gaaraya dalka Nigeria ayaa sheegaya in la fillayo maanta in lagu dhawaaqo natiijada doorashada dalkaas, sidda ay ka dhawaajiyeen guddiga doorashada.

Labada musharax oo kala ah Madaxweynaha talada haya Goodluck Jonathan iyo hogaamiyihii hore ee milateriga Mohamed Buhari ayaa laga yaabaa in midkood ku guuleysto, inkastoo aan la saadaalin karin.

Magaalada Abuja ayaa waxaa la gaarsiiyay sanaadiiqdii codadka ee laga keenay gobollada, inkastoo Guddiga uu ka cudur daartay 150324005131_buhari_jonothan_640x360_bbc_nocreditciladihii farsamo ee ka dhacday magaalooyinka qaar, hadana waxay wax walba u muuqdaan kuwo si degan ku dhacay.

Kooxo Kormeerayaal ah ayaa amaanay sida ay u dhacday doorashada iyo qaabka nidaamnsan ee dadka ay codadka u dhiibteen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, Midowga Afrika iyo dalalka Galbeedka Afrika ayaa amaanay sida ay u dhacday doorashada Nigeria.

Ururka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa ugu baaqay musharaixiinta inay degenaansho muujiyaan, hadii lagu dhawaaqo natiijada doorashada, isla markaana wixii cabasho la isla tago maxkamad, bedelkii ay dhici lahaayeen rabshado.

Xaalada Ammaanka Nigeria ayaa si ka duwan sidii dad badan filayeen, kana cabsi qabeen, ma jiin wax amni daro ama weeraro saameyn ku yeeshay doorashada, waxaana taas loo arkaa inay sahashay howl galada Ciidamada Nigeria iyo dalalka deriska todobaadyadii u dambeeyay ka wadeen waqooyi bari dalkaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!