Naxariista Qeybta 2-aad. WQ. Omer Suleiman Ali

by Yahye | Saturday, Mar 9, 2013

Qaybtii hore waxaan si buuxda ugu muujiyey macnaha ereyga Naxariis gaar ahaan ereyga الرَّحْمَنِ iyo in naxariista Alle tahay hal mid oo keliya. Waxaan kale oo soo sheegay in ay tahay sunnada Alle in uu dadka mu’miniinta ah u naxariisto gaaladuna ay naxariistiisa ka qadayso taas oo macnaheedu yahay dadka mu’miinta  ah waxaan dhex dejinayaa naxariistayda gaaladana cadaabkayga.

إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا وَمَاتُوا وَهُمْ كُفَّارٌ أُولَئِكَ عَلَيْهِمْ لَعْنَةُ اللَّهِ وَالْمَلَائِكَةِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ(اللقرة 161).

Markii la sheegay in Alle, malaa’igtiisa iyo dadkuba ay gaaladu naxariistooda dayro ka tahay ayaa aayadda ka dambaysa lagu sheegayaa in ay ku waarayaan dayradaas ama nacdashaas. Halkaas waxaa ka muuqata in dayradu tahay cadaabta lagu waaro.

خَالِدِينَ فِيهَا لَا يُخَفَّفُ عَنْهُمُ الْعَذَابُ وَلَا هُمْ يُنْظَرُونَ(البقرة 162).

Wuxuu Alle Quraanka noogu sheegay siyaabo fara badan oo aynu ku heli karno naxariistiisa waxaana door biday qaarkood idin soo qaato dhawr ka mid ah. Aayaddan hoos ku xusan wuxuu Alle si cad noogu sheegayaa in kuwa xaqa rumeeyey iyo kuwo Alle dartiis u soo qaxay waxna u dilay loona dilay Alle dartiisna ay rajo ka qabi kara naxariista Alle, Allena lagama dembi dhaafis iyo naxariis badna.

إِنَّ الَّذِينَ ءَامَنُوا وَالَّذِينَ هَاجَرُوا وَجَاهَدُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أُولَئِكَ يَرْجُونَ رَحْمَةَ اللَّهِ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ(218)

Aayaddan kalena wuxuu Alle si cad noogu sheegayaa in kuwa Alle rumeeyey xadhigiisana qabsaday wuxuu gelinayaa naxariistiisa ama jannadiisa iyo deeqdiisa wuxuuna xaggiisa ugu soo hagayaa jid toosan oo aan leex leex lahayn oo afka uga shubaya janno iyo naxariis Alle.

فَأَمَّا الَّذِينَ ءَامَنُوا بِاللَّهِ وَاعْتَصَمُوا بِهِ فَسَيُدْخِلُهُمْ فِي رَحْمَةٍ مِنْهُ وَفَضْلٍ وَيَهْدِيهِمْ إِلَيْهِ صِرَاطًا مُسْتَقِيمًا(النساء 175).

Waxaan odhan karaa maanta dadka islaamka ah guud ahaan iyo Soomaalida gaar ahaan midna ma ma laha iimaanka la sheegayo, sidaas darteed naxariista Alle fara uguma jirto. Markaas ayay u dhaqmaan sidii aanay Alle wax naxariis ahba ka sugayn oo kale ee ay iyagu isku tashanayaan. Isku tashiga waxaa loola jeedaa adigu isku tasho ee Alle iyo cid kale toona wax naxariis ah ha ka sugin.

وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ(آل عمران 132).

Aayaddanna waxaan ka dheehanaynaa in haddii aynu raacno ama qaadanno amarada Alle iyo rasuulka na farayaan ay dhici karto in Alle noo naxarto.

 وَهَذَا كِتَابٌ أَنْزَلْنَاهُ مُبَارَكٌ فَاتَّبِعُوهُ وَاتَّقُوا لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ(الأنعام 155).

Marka haddii aynaan ku soconin manhajka Alle lagama yaabo in uu Alle noo naxariisto. Soomaalida iyo ummadaha kale ee Islaamka ahiba arrinkaas waa ka soo hor jeedaan.

 

وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَءَاتُوا الزَّكَاةَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ(النور 56).

Waxaa kale oo aynu rajo ka qabi karnaa naxariista Alle markii aynu salaadaha tukanno sadaqada waajibka ahna bixinno rasuulkana maqalno oo keliya.

Sidii aan ku soo sheegay qaybtii hore naxariistu waa jannada, marka waxaan soo qaadanayaa aayadaha noo tilmaamaya dadka Alle sheegay in ay jannada geli doonaan.

Sida ka muuqata aayaddan hoos ku soo qaatay dadka soo islaama xaqana ku dhaqma ee sameeya wanaag ayaa ah kuwa jannada geli doona. Ereyga ءَامَنُوا wuxuu gaar u tilmaamayaa ummadda nebi Muxammad csw. Marka waxay aayadda macnaheedu noqonaysaa kuwa nebi Muxammad manhajka loo soo dhiibay qaata kuna dhaqma Alle dartiis oo keliya wax u sameeya ayaa gelaya jannada.

وَالَّذِينَ ءَامَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ أُولَئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ(البقرة 82).

Haddii aan soo qaato Soomaalida gaar ahaa iyo ummadaha kale ee Islaamka guud ahaan waxaa loo diidan yahay in ay ku dhaqmaan diintooda, waayo haddii ay ku dhaqmaan waxay ka baxayaan baryada iyo is hoos dhigga dad aadami iyaga oo kale ah. Ku dhaqan la’aanta diinta Islaamkuna waxaa ka tomaya cadho iyo cadaab Alle if iyo aakhiraba lagu waaro. Waxa maanta ummadaha Islaamka ah oo dhan meel kasta ha joogeen eh haystaa waa naxariistii Alle oo ay goosan waayeen.

Aayadda kale wuxuu Alle sidoo kale si cad noogu sheegayaa Jannadu ama naxariista Alle if iyo aakhiraba waa jirtaa waxayna mar kasta u gaar tahay dadka mu’miniinta ah. Dadku isaga oo qofka qof ah ayuu iimaanka diidaa ama qaataa, sidaas darteed diidmada iimaanka qofku ku waayi maayo wixii uu Alle qofka aadamiga ah ugu talada galay ee la xiriira nolosha adduunka, waana tii uu Alle aayadda kale ku lahaa.

وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي ءَادَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَى كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا(الإسراء 70).

Runtii Ilmo Aadam waanu sharafnay bad iyo berribana waanu marsiinay waxaanuna ku kadabnay waxyaabaha wanaagsan in badan oo ka mid ah waxyaabaha aan abuurnayna waana uga roonaanay.

Marka aadamiga gaal iyo muslimba waa ka mid, marka haddii aad aragtaan dad gaalo ah oo dadka muslimiinta ah ka hodansan ifka waa caadi.

Aayad kalene wuxuu Alle noogu sheegay in ay jiraan kuwo Alle ka baryaya nolol adduunyo oo aad u macaan hase yeeshee aan aakhiro wax saami ah ku lahayn.

فَإِذَا قَضَيْتُمْ مَنَاسِكَكُمْ فَاذْكُرُوا اللَّهَ كَذِكْرِكُمْ ءَابَاءَكُمْ أَوْ أَشَدَّ ذِكْرًا فَمِنَ النَّاسِ مَنْ يَقُولُ رَبَّنَا ءَاتِنَا فِي الدُّنْيَا وَمَا لَهُ فِي الْآخِرَةِ مِنْ خَلَاقٍ(البقرة 200).

Marka nolosha adduunka macaankeedu in uu na jiito aynu naxariista Alle ku weyno ma aha.

Dadkii mu’miniinta ahina waxay dhehaan sida aayaddan kale lee dahay Ilaahaw if iyo aakhiraba janno na sii nagana badbaadi cadaabta kulul.

وَمِنْهُمْ مَنْ يَقُولُ رَبَّنَا ءَاتِنَا فِي الدُّنْيَا حَسَنَةً وَفِي الْآخِرَةِ حَسَنَةً وَقِنَا عَذَابَ النَّارِ(البقرة 201).

Waxyaabahaasi waxay ka mid yihiin jaan gooyada Alle aadamiga ugu talada galay ee ma aha naxariista.

Naxariistu sida aan qaybtii hore ugu soo sheegay waa wax kasta oo dhibaato looga badbaado. Marka iimaanku waa naxariis looga badbaado gaalnimo, cadho iyo cadaab Alle.

Ereyga kale ee mar kasta الرَّحْمَنِ ku ladhani waa ereyga الرَّحِيمِ waana ereyga uu macnihiisu yahay naxariista, wuxuuna Quraanka ku soo arooray 34 jeer dhammaanna macnaha ka muuqdaa waa naxariista.

Sidaas darteed waxaan بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ku macnayn lahaa:

Waxaa ku bilaabayaa magaca Allaha Raxmaanka aan laga naxariista badnayn.

Marka الرَّحِيمِ waa kan keliya ee naxariista cid kale oo dhibaato kaa badbaadin kartaana ma jirto isaga mooyee.

Maanta dadka islaamka ahi meel kasta ha joogo waxay ku hodmeen afkaarta gaalada u dhaqmaysa in ay iyagu wax kasta gacantooda ku samaysan karaan, taas oo ay ka qaaday gaaladu Alle necayb waayo waxay kugu odhanayaan maxaan Alle uga baahanahay aniga ayaa wax kasta samaysta eh. Sidaas oo kale ayay maanta dadkii islaamka ahaana la moodaa in camalkooda aanay Alle u bandhiganayn ee ay isula tahay in ay iyagu wixii ay doonaan meel marsan karaan.

Dadku waxay u qabaan in ay guushooda iyo guul darradoodu iyaga ku xidhan tahay, hase yeeshee dadka waxaa laga doonayaa in ay camal keliya la yimaaddaan, hase yeeshee aqbalka camalkaas Alle ayaa iska leh. Sidaas darteed ma noqon karto in camal Alle wax looga doonayaa uu noqdo mid xun.

Dhibaato naxariis Alle oo keliya ayaa looga baxaa ee ma jirto cid kale oo saari kata. Wax kasta oo dhibaato adduun ahi waa cadaab ka mid ah cadaabaha Alle wax kasta oo khayr ahina waa naxariis Alle. Naxariista Allena waxaa lagu gaahaa oo keliya camal Alle dartiis loo sameeyey.

Dhibaatada maanta ummadaha Islaamka ah haystaa waa cadaab ka dhalatay wixii xumaa ee la bariinsaday haddii aan la joojin xumaantana naxariis Alle lama helayo. Marka dhibaatadii loo geystey dadka Islaamka ah ee waqooyiga Somalia kuwa lagu dilay qabiil dartiis ee konfurta Somalia dhammaan waa cadaab ka dhashay xumaantii la sameeyey, sidaas darteed in aynu isku eedayno ma aha.

GUNAANADKA.

Wax kasta oo dhibaato adduunyo ama mid aakhiro looga baxaa waa naxaiis Alle oo keliay. Ereyga الرَّحْمَنِ inta jeer ee uu Quraanka ku jiro macnihiisu waa Ilaah, الرَّحِيمِ –na waa naxariista qofka lama dhihi karo waa qof raxmaan ah laakiin waa la dhihi karaa qofkaasi waa qof raxiim ah. Dhibaato naxariis Alle oo keliya ayaa looga bixi karaa ee si Alle noogu naxariisto ha wada toobad keeno.

Gle-Sare-Omer-Suleiman-AliOMER SULEIMAN ALI                                                                                                                    4/03/13

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!