Nicholas Kay” Baahi weyn ayaa loo qabaa in la dhiso ciidanka xooga dalka Soomaliyeed

by admin | Monday, Nov 2, 2015

Muqdisho : HN :–Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegey in baahi weyn loo qabo in la dhiso ciidamada xoogga dalka Soomaaliya si ay u hantaan amniga dalka.

Wuxuu sheegey in baahidaasi ay dhaboowdey kadib weerarkii Hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho ay ku qaadeen kooxda nabad diidka Alshabaab, halkaasi oo ay ku dhinteen illaa iyo 15 qof oo midkood uu xildhibaan yahay.

Isaga oo fariin kusoo qorey borta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayuu yiri “ Weerarkii dhiigga badan ku daatay ee Muqdisho waxa uu hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya”.

Hadalkiisa waxa uu ka dabo shanqarayaa fariimo tiro badan oo bulshada Soomaaliyeed ay soo dhigeen baraha facebook iyo twitter oo ay ku muujinayeen dareenkooda ah in haddii ciidamada Soomaaliyeed la dhiso ay awood buuxda u yeelan lahaayeen sugista amniga.

U.N. special representative for Somalia Nicholas Kay (C) inspects Ugandan peacekeeping troops during a ceremony at Mogadishu airport in Somalia May 18, 2014. REUTERS/Feisal Omar

U.N. special representative for Somalia Nicholas Kay (C) inspects Ugandan peacekeeping troops during a ceremony at Mogadishu airport in Somalia May 18, 2014. REUTERS/Feisal Omar

Shalay markii dagaalyahanada Alshabaab ay weerareen hoteelka ayaa waxaa gurmad adag sameeyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gaashaan, kuwaasi oo durba ku guuleystey in ay soo afjaraan xaaladii meesha ka taagneyd, islamarkaasina badbaadiyey dad badan.

Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa heysata mushaar la’aan, tababar xumo, qalabka oo ku yar iyo waliba dhanka abaabulka oo liita.

Qaramada Midoobey oo qarashaad badan ku bixisa Soomaaliya ayaanan qarashkasi in badan oo ka mid ah aanan loo qoondeeynin ciidamadda xoogga dalka, wuxuuna ku baxa meelo kale.

Dhawaan warbixin ay soo saareen guddi qubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa sheegey in ciidamada xoogga dalka uu ragaadiyey dano is diidan oo xagga darajada ciidamada iyo kala sareyntooda ah iyo waliba dano ganacsi oo laga sameeyo hawlaha ciidamada.

Sanadkii waxaa la sheegey in ciidamada si aan sax ahayn looga isticmaalo illaa 8 malyuun oo doolar oo ah lacagtii loogu talogalay raashiinka ay cuni lahaayeen.

KN

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!