Nicholas Kay” dalka waxaa ka dhici doonta doorasho ka duwan tii 2012 lagu soo dhisay dowladda

by admin | Thursday, Jul 30, 2015

Muqdisho : HN :– Danjiraha xog-hayaha guud ee QM Nicholas Kay, ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2016-ka dalka ka dhici doonin sidda uu hadalka u dhigay doorasho la mid ah tii sanadkii 2012-ka lagu soo dhisay dowladda haddan jirta, isaga oo ku booriyay mas’uuliyiinta ugu sareysay dowladda in la dadajiyo dhismaha dowlad gobolleedyada dalka.

Isaga oo wareysi gaar ah siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayuu sheegay in ilaa iyo hadda dowladda hormar wanaagsan kaNick_Kay_UN_Envoy_for_Somalia sameysay dhismaha dowlad gobolleedyada dalka, sidda daraadeed loo baahan yahay in la dadajiyo inta hartay, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay dhismaha dowlad gobolleed ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

“Doorasho 2016 dhamaan waxaa noo muuqata in aysan dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod, balse waxaa dhici doona 2016 qaab doorasho ah oo ka duwanaan doonta midkii 2012 dhacday, waana mid laga wada xaajoon doono oo Soomaalida ay ka wada tashan doonaan”ayuu yiri Danjire Nicholas Kay
Mar wax laga weydiiyay inay dhacdo muddo kororsi dowladda waqtigeeda dhamaanayo loo sameeyo ayuu xusay in aysan taas dhici doonin, lana ogolaan doonin.

“Qaraarkii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu gaaray ee tirsigiisu ahaa 2232 waa mid si cad loogu qeexay in aan la ogolaan doonin wax muddo kordhin ah loo sameeyo dowladda uu hada waqtiga ka dhamaanayo”ayuu yiri Danjire Kay.

Waxaa uu xusay in dadka Soomaaliyeed ay qabaan dareen guud oo dhinac walba ah oo ku saabsan marka la gaaro 2016 in la soo xulo nidaam cusub oo Soomaali leedahay, kaasoo ka ballaaran kana mug weyn kii dhacay sanadkii 2012 oo uu ugala jeeday qaabkii Odayaashii dhaqanka ahaa ee 135 oday u soo xuleen Baarlamaanka.

Dad badan oo odorasa siyaasada Soomaaliya ayaa qaba in nidaamka cusub ee imaan doono marka la gaaro sanadka 2016 uu noqdo mid Gobollada iyo degmooyinka gobollada laga keeno ergooyin fara badan, taasoo xildhibaan kasta ay soo doortaan boqol qof oo beeshiisa ah, taasoo ka yara culus qaabkii horay Odayaasha dhaqanka ku soo xuleen Xildhibaanada Baarlamaanka ee hada jira.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!