Nicholas Kay iyo danjire Afey oo wadda jir u booqday magaalada Kismaayo

by admin | Saturday, Mar 7, 2015

Muqdisho : HN :–Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,Nicholas Kay iyo wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Labada wafdi ee ay kala hoggaaminayeen labada wakiil waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo mas’uuliyinta maamulka Jubbaland iyo xubne kale.

Nicholas Kay iyo Afey oo ay waheliyaan mas’uuliyin kale waxaa lugu sheegay ujeedada booqashadooda Kismaayo sidii ay uga qayb-gali201537635613070415295246Kay_iyo_Afey_Kismaayo_J_Hoose lahaayeen unaasabad lagu daah-furayo soo xulista baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa u sheegay Raxanreeb n sidoo kale Nicholas Kay uu wadatashi la yeelan doono masuuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba, taliska ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM iyo wakiillada Qarammada Midoobay u jooga magaalada Kismaayo.

24-kii saac ee la soo dhaafay ay waxaa magaalada Kismaayo soo gaarayay wufuud heer caalami ah, si ay uga qeyb galaan xafladda.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday wadatashiyo la xiriira soo xulista xubnaha kamid noqon doono baarlamanka maamulka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!