Nicholas Kay oo dhinacyada ku dagaalamay Gaalkacyo ugu baaqay in ay joojiyaan colaada

by admin | Sunday, Nov 29, 2015

Muqdisho : HN :–Ergeyga QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ka hadlay dagaalladii Gaalkacyo ka dhacay, isagoo sheegay in inuu walaac xoogan ka qabo colaadda magaalada Gaalkacyo ka socota.

Danjire Nicholas Kay ayaa xusay inuu ka xun yahay dagaalkaas iyo dadka rayidka ah ee ka barakacay guryahooda, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka oo uu sheegay inaan laga dhaxlin wax aan dhimasho iyo dhaawac ahayn.

Sidoo kale, Nick Kay ayaa xusay inay dambi tahay in hub culus loo adeegsanayo goobaha bulshada reer Gaalkacyo ay taasi noqon kartoNicholas-Kay dambi dagaal, isla markaana cadaalad lala tiigsan doono kuwa ka dambeeya.

“Madaafiicda loo adeegsado goobaha dadku ku nool yihiin waa dambi dagaal, maxkamad ayaana lala tiigsanayaa kuwa ka dambeeya,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay oo intaas ku daray. “Labada dhinac waxaan ugu baaqayaa inay si deg-deg ah dagaalka u joojiyaan.”

Dhanka kale, ergayga QM wuxuu madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ugu baaqay inay dagaalka soo af-jaraan colaadda Gaalkacyo, ayna qayb weyn ka qaataan dadaalka lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in xafiiska QM ee Somalia UNSOM uu diyaar u yahay fududeynta dadaallada nabadeed ee colaadda Gaalkacyo lagu qaboojinayo, si aanay dagaallo dambe u dhicin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!