Nicholas Kay oo ka hadlay xaalada Soomaaliya

by wadani | Wednesday, Dec 30, 2015

1362235914001_3499863607001_video-still-for-video-3499822354001Nairobi : HN :–Nicholas Kay wakiilkii hore ee QM u qaabilsanaa arrimaha siyaasada Soomaaliya oo xafiiska sii baneynaya madaama uu waqtigiisii dhamaaday, ayaa ka hadlay marxalada uu maanta marayo dalka Soomaaliya iyo hiigisga 2016-ka.

Mr Kay, ayaa sheegay in guud ahaan marka la eego siyaasada Soomaaliya la soo gaarsiiyay meesha ugu wanaagsaneyn, madaama madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya iyo hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada ka hadlayaa masiirka siyaasadeed ee dalka iyo jihada loo dhaqaaqayo marka la gaaro sanadka 206ka.

Nicholas Kay, ayaa sheegay in  rajo badan uu ka qabo shirka 10 bisha Janaayo lagu balansan yahay in uu ka dhaco magaalada Kismaayo, kaa oo ay isku arki doonaan hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan iyo madaxda ugu sareysa dalka, isaga oo u rajeeyay shirka in ay ka soo baxaan go’aamo wax ku ool ah oo ku dhisan is faham iyo isku tanaasul.

Inkastoo Nicholas Kay uu rajada intaa la eg ka qabo shirka Kismaayo, haddana dadka sidda weyn ula socda siyaasada Soomaaliya ayaa qaba in aysan jirin kalsooni badan oo shirkaa lagu qabi karo, madaama wali uu khilaaf ba’an ka taagan yahay aragtida nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!