Nicholas Kay oo ka hadlay xariga shaqaallaha iyo xarunta TV-ga Universal

by admin | Monday, Oct 5, 2015

Muqdisho : HN :–Danjiraha QM ee Somalia, Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay xarigga agaasimaha Universal tv ee Bariga Afrika, C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad.

Danjire Kay ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna xuNicholas-Kaysay inuu aad uga xun yahay xarigga wariyeyaasha oo la xiray kaddib markii ay dood-wadaag u qabteen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

“Waan ka walaacsanahay xarigga wariyeyaasha Universal tv, Soomaaliya waxay u baahan tahay saxaafad xor ah marka la gaaro sannadka 2016-ka,″ ayuu Kay ku yiri qoraalkiisa.

Suxufiyiinta C/llaahi Xirsi iyo Cawil Daahir ayaa maalintii saddexaad Muqdisho ku xiran, iyadoo la sheegayo in 21-maalmood ay ku jiri doonaan xabsiga, kaddibna hor-geyn doono maxkamad, si dacwadaha loo haysto loogu soo oogo.

Tan iyo markii wariyeyaashan ay xabsiga u taxaabeen ciidammo ka tirsan kuwa amniga dowladda Somalia ayaa waxaa soo baxayay baaqyo lagu dalbanayo in la sii daayo, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn sababta ay u xiran yihiin.

Dhanka kale, wasiir u dowlaha wasaaradda warfaafinta, ayaa sheegay in wariyeyaashan ay galeen dambi Qaran, isla markaana maxkamad lasoo taagi doono. Inkastoo aanu sheegin dambiga ay galeen.

Ugu dambeyn, dowladda federaalka Somalia ayaa lagu eedeeyaa inay caburiso saxaafadda xorta ah, iyadoo dhowr jeer laga hadlay qaabka ay ciidanka amniga dowladda Somalia ay ula dhaqmaan warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!