Nicholas Kay oo Kismaayo gaaray kulanna la qaatay Axmed Madoobe

by admin | Thursday, Oct 9, 2014

Kismaayo : HN :–Wakiilka xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr Nicholas Kay ayaa lagu waramayaa in uu gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, isaga oo halkaa kulan kula qaatay hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Wafdiga danjiraha waxaa ku jira mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay oo Nicholas Kay ku wehliya socdaalkiisNICLOS
lama faah faahinin sababta ka dambeysa booqashada Nicholas Kay ee magaalada Kismaayo.
 
Kulan uu wafdigu la qaadanayo madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Madoobe) iyo mas’uuliyiinta kale ee sarsare ee maamulkaas ayaa hadda ka socda xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo.
  
Hiiraan Net.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!