Nicholas Kay oo magaalada Garoowe kula kulmay madaxweynaha Puntland

by admin | Thursday, Nov 19, 2015

niko_5Garoowe : HN :– Madaxweynaha Puntland, C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa habeenimadii xalay Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Saomaaliya Danjire Nickolas Kay iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kullan gaar ah oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd la qaatay wakiilka xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Kay.

Markii uu soo idlaaday kulanku ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta qaybaheeda kala duwan shir jaraa’id u qabtay madaxweynaha iyo wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Kay, waxana ay ka warbixiyeen kullankoodi.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay kawada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland, iyo Shirarkii dhowaan kasocdey Soomaaliya oo looga hadlayey geeddi socodka Doorashooyinka 2016.

niko_1Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay Danjire Nickolas kay waxqabadkiisii muddadii uu soomaaliya kasoo shaqaynayey isagoona sheegay inay si’dhow uwada shaqaynayeen waxaana uu urajeeyey guul iyo horumar maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedkiisii.

Danjire Nicholos Key ayaa isna dhankiisa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawado gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaadhey muddadii yarayd ee uu hoggaanka Puntland hayey.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Puntland ayaai guddoonsiiyey Danjire Nickolas key hadiyo ka kooban waxyaabaha Hiddaha iyo Dhaqanka ee ay Puntland caanka kutahay oo lagu xardhay calanka Puntland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!