Nicholas Kay oo soo dhaweeyay doorashada hogaanka baarlamaanka Galmudug

by admin | Sunday, Jun 28, 2015

Muqdisho : HN :–Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay doorashadii shalay ka dhacday degmada Cadaado ee Guddoonka Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Mr Nicholas Kay ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug Mr Cali Gacal Casir, isagNick Kay PHOTOoo xusay sida muhiim u tahay dhameystirka marxalada uu haatan marayo dowlad goboleedka Galmudug.

Danjire Kay ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddiga Farsamada iyo xubnaha Baarlamaanka Galmudug, guusha ay ka gaareen geedi socodka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.

Waxaa uu xusay in hadda howsha muhiimka ee hadda hartay ay tahay doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo la qaban doono 4-ta bisha July, waxaana uu ku booriyay in doorashadaas noqoto, mid hufan oo lagu kalsoonaan karo, si looga guul keeno dhameystirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada buuxda ay u hayaan howsha Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee hada heer gabo gabo ah maraysa.

Shalay ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay doorteen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, Guddoomiye kuxigeenka koowaad Xareed Cali Xareed iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mohamed Sheikh Ahmed Macalin.

Maalinta sabtida ee soo socota, taariikhduna ku beegan tahay 4-ta Bisha July ayaa la filayaa inay degmada Cadaado ka dhacdo doorashada Madaxweynaha, iyadoo ay u taagan yihiin dhowr musharax oo maalmihii u dambeeyay waday olole ay ugu diyaar garoobayeen doorashada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!