Nicholas Kay oo soo dhaweeyay wajiga labaad ee shirka Cadaado

by admin | Wednesday, Jun 3, 2015

Cadaado : HN :–Wakiilka gaar ah aee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay furitaanka wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Mr Kay Kay ayaa soo dhoweeyay sida waxtarka leh ee dadka gobollada dhexe ay uga qayb galeen geedi-socodka, wuxuuna dadkaas ku amaanay sida ay uga go’antahay inay qaddariyaan nidaamka lagu gaarayo nabad iyo xasillooni.Nick_Kay_UN_Envoy_for_Somalia

“Waxaan rajeynayaa in dadaalka iyo go’aanka ay wada gaareen dhamaan wufuudda – ka qeybgeleysa shirka – ay u suurto gelin doonto shirka Cadaado inuu ku dhamaado guul. Waxaan ku guubaabinayaa dadka gobollada dhexe inay dhistaan maamulkooda cusub ayagoo ixtiraamaayo mabaadi’da dib-u-heshiisiinta, isu-tanaasulka iyo u-wada-dhamaanshaha hawsha. Gaar ahaan waa in haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badanyahay ay ka qayb-qaataan shirka” ayuu yiri Mudane Kay.

Heshiiska khuseeyo gobollada dhexe waxaa lagu saxiixay Muqdisho 30-ki July 2014, halkaasoo dhamaan dhinacyadii arrintu khuseysay ku wada go’aansadeen inay wada sameystaan maamul loo wada dhanyahay.

Wixii ka dambeeyay taariikhdaas, dadka gobollada dhexe waxay u hawlgaleen sidi lagu heli lahaa dib-u-heshiisiin iyo geedi-socod siyaasadeed oo lagu dhisaayo maamul kumeelgaar ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!