Nicholas Kay oo Soomaalida ugu hambalyeeyay munaasabada ciidda

by admin | Saturday, Oct 4, 2014

Muqdisho : HN :–Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciiddul Adxaa u diray ummadda Soomaalida.

“Maadaama ay ummadda Soomaalida u dabbaaldegayso munaasabadda Ciiddul-Adxaa, waxaan leeyahay dhammaan dadka SoomaaliyeedNICLOS iyo qoysaskooduba Ciid Mubaarak,” ayuu war qoraal ah ku yiri Danjire Nicholas Kay.

Kay ayaa ku tilmaamay maanta maalin ay habboon tahay in si heer caalami ah loo muujiyo qiimaha iyo muhiimadda ay leeyihiin nabadda, xasilloonida iyo midnimada.

Wuxuu sheegay in dareenka ku dhisan dib u heshiisiinta iyo iskaashiga uu wax ku siyaadin karo nabadda Soomaaliya, sidda daraadeed looga baahan yahay guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed in ay u guntadaan siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen nabada.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!