Nicholas Kay oo u hambalyeeyay madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xassan

by admin | Wednesday, Dec 3, 2014

Baydhabo : HN :–Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay caleema-saarka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo bishii hore loo doortay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed oo maanta lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabada calleemo saaraka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin sare oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday maamullada gobollada dalka qaarkood.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Shariif Xasan caleema-saarkiisa. Tani waa tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday xagga dhismaha Soomaaliya oo federaal ah. Waana tallaabo xoog lhe sida laga dheehanayo aragtida 2016-ka. Waxaana soo dhaweynayaa muhiimadda la siiyay ka-wada-qeybgalka iyo dib-u-heshiisiinta dhammaan dadka dega deegaannada uu maamulkani ka talin doono. Waxaana ku boorrinayaa dhammaan dadka arrintu khuseyso inay sii wadaan dadaalkooda,” ayuu danjire Kay ka sheegay munaasabadda Caleemo-saarka.

Isagoo sii halaya ayuu intaas ku daray. “Dhisidda maamulkan waxay wadada u sii fureysaa dadaallada lagu dhisayo maamul shaqeeya ooNICLOS awood u leh inuu gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin dadka ku nool deegaannada uu maamulo.”

“Waxaan rajeynayaa in la dhiso hay’ado loo dhan yahay oo ay haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay ka dhex-muuqdaan,” ayuu mar kale yiri danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Danjire Kay ayaa hadalkiisa ku daray. “Maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa kale ee KMG ah waxay leeyihiin door muhiim ah oo ay uga qayb-qaataan dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka, waxaana ka mid ah diyaarinta doorasho ka dhacda dalka iyo sameynta nidaam federaal ah iyo hirgelinta Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, wuxuu xusay inuu ku celinayaa ballan-qaadkii Qaramada Midoobay ee ku aaddanaa taageerada howlahan iyo in la caawiyo dhismaha nabad, xasillooni iyo barwaaqo ay gaarto Soomaaliya oo dhan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!