Nicholas Kay oo ugu baaqay dhalinyarrada Al-shabaab in ay hubka iska dhigaan

by admin | Tuesday, Oct 7, 2014

Muqdisho : HN : — Ergeyga  gaarka ee xog-hayaha guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyey Hawlgalladda ciidammada dowladda federalka iyo kuwa AMISOM kula wareegeen nagaalladda Baraawe oo ay Alshabaab maamuli jireen sannooyin badan.

Waxaa uu ugu hanbalyeeyay ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM guulaha ay ka gaareen howlgaladii ugu danbeeyay ee laga sameeyayNicholas_Kay5 deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeelaha dhexe.

”Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab in ay ka faa’ideystaan cafiska madaxweynaha, hubka iska dhigaan kuna soo biiraan hanaanka dowladnimada ayuu yiri,” Nicholas Kay.

Danijraha ayaa intaa ku darray in guulihii ugu danbeeyay oo ay gaareen ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM muujinayaan hormarka laga gaaray nabada iyo siyaasada dalka.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!