Nicholas Kay oo walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliland

by admin | Sunday, Nov 16, 2014

Muqdisho : HN :– Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay rabashadihii maanta ka dhacay Baarlamaanka Somaliland ,isagoona baaq u diray Siyaasiyiinta maamulkaas.

Wakiilka oo qoraal kasoo saaray Xafiiskiisa ayaa sheegay in u ka walaacsantahay rabashadihii ka dhex dhacay aqalka Baarlamaanka Somaliland halkaas oo ay buuq iyo sawaxan ka aloosmay.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in maamulka Somaliland uu horumar wanaagsan oo muuqda ka sameeyey in Doorashooyin Dimuqraadi ah ka dhacaan balse rabashadihii dhacay halis ku yihiin doorashooyinka soo socda.

” Somaliland horumarro wanaagsan ayay ka sameysay inay doorashooyin dimuqraadi ah ka  dhacaan. Rabshadihii maanta waxay khatar ku yihiin doorashooyinka soo socda ’ayuu yiri Nicholas Kay

Wakiilka Qaramada Midoobey dalka Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ugu baaqay dhinacyada ishaya in si buuxda loo Ixtiraamo NICLOSDimuqraadiyada isla markaana ay is xakameeyaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirixmaan Ciro ayaa dhankiisa ku eedeeyey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iney afduub ku qabsatay aqalka Gollaha Wakiilada isla markaana soo dhoobtay Ciidamo tira badan.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in dhibaatadii dhacday uu ka xuntahay ,isagoona ku baaqay in laga shaqeeyo qaranimada Somaliland lalana shaqeeyo guud ahaan hay’adaha ammaanka ku hawlan.

”’Waxaan leeyahay Gollaha wakiilada waxa idin saaran mas’uuliyad culus oo bulshadu idin ka fadhido maahan inaad maalin walba is haysataan oo qaranka qas gelisaan….”ayuu yiri.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa baaq u diray Xildhibaanada Gollaha Wakiilada Somaliland ,isagoona sidoo kale eedeyn u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirixmaan Cir0.

’Waa khalad in Guddoomiyuhu maalin kasta nagu eedeeyo inaanan faragelin ku hayno Gollaha mana jirto ,shaqada qaranka idin ka sugayaa ku hawlgala idinkuna wixii dhexdiina yaala wadahadal ku dhameysta sharcigana u hoggaansama…….”’ayuu yiri.

Buuqa iyo muranka u dhaxeeya Xildhibaanada Gollaha wakiilada Somaliland ayaa ahaa mid mudooyinkanba soo jiitamayey,waxaana hadda xal ka gaaristiisa faraha kula jiraya Gollaha Guurtida Somaliland.

Hiiraan net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!