Nicklos key oo sheegay inaysan jirin sabab uu raali-gelin u siiyo baarlamaanka Somaliya

by Yahye | Friday, Nov 21, 2014

Copenhagen; HN;- Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicklos Key oo wareysi siiyay BBC-da Laanteeda Af-ka Soomaaliga ayaa sheegay inaysan jirin sabab uu raali-gelin u siiyo baarlamaanka Somaliya isagoona yiri ma jirto wax gef ama aflagaadaa oo aan u geystay xildhibaanada baarlamaanka.

Mr Key ayaa sheegay inuusan jirin hadal uu ku yiri Baarlamaanka kaasi oo u baahan in raali gelin uu ka bixiyo, isagoona sheegay inuu kaliya uu muujiyay dareenkiisa ku aadan wal walka uu ka qabo muranka dhanka siyaasada ee u dhexeeya madaxda Somalida iyo waliba sida xildhibaanada ugu kala safteen labada dhinac ee khilaafka iminka u dhaxeeyo.

Ergayga gaarka ah ayaa dhawaan warbixin uu soo saaray ku sheegay inuu wal wal kaga muujinayo sida xildhibaanada Baarlamaanka wax u wadaan iyo waliba inay dhici karto in xildhibaanada codkooda ay ku badashaan Lacag.

Xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa meel ka dhac ku tilmaamay hadalka qoraalka ahaa ee lagu sheegay in xubnaha baarlamaanku qaataan laaluush, iyagoona ergeyga qaramada midoobay ka dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo.

Waxaa la rumeysan yahay meel ka dhaca uu Key u geystay xildhibaanada waxaa xildhibaanada laftooda uga darnaatay qilaafka madaxda dowlada kaasoo baarlamaanka labo u qeybiyey, eed kasta ama dacwo kasta oo aay Key ka geyn lahaayeena waxaa dhaafiyey qilaafka dhexdoodaa, taasi ayaana keentay in Nickolas Key uu ku dhiirado inuu dhegaha ka fureysto baaqooda dalabka raali gelinta ah.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!