Nin aan qubaysan 60 sanno oo loo aqoonsaday ninka adduunka ugu wasaqda badan

by Yahye | Thursday, Jan 16, 2014

Ma qubeysteNin u dhashay wadanka iran oo 80 sano jir ah ayaa loo aqoonsaday ninka adduunka ugu wasaqda badan kadib markii la ogaaday inuusan qubaysan muddo 60 sanno ah.

Ninkaan oo la yiraahdo Camuu Xaaji oo 80 sanno jir ah kuna nool dhulka fog ee miyiga ah ee dalka Iran ayay warbaahintu sheegeen inuusan korkiisa wax biyo ah taabsiin muddo 60 sanno ah dharkana uusan iska badalin.

Warbaahinta dunnida oo sheekanadda ninkaan si gaar ah u hadal haysa ayaa waxaa ay ku tilmaameen in jirkiisa ay ka muuqato wasaq badan. Mar uu hadlay waxaa uu sheegay inuuba neceb yahay qubeyska oo uu ku xanuunsanayo biyaha ama xataa hadii uu qubeysto.

Shaqsiyadiisa waxaa lagu tilmaamay inuu yahay nin aan shaqo badan jecleyn oo inta badan geedaha hoostooda fariiska cabana sigaarka oo uu ku shubto geeso lo’aad.

“Ma jecli qubeyska waayo hadaan is nadiifiyo waan xanuunsanayaa” ayuu yiri mar uu la hadlay wargeyska Tehran Times.

Tuuladda uu ku nool yahay oo la yiraahdo Dejgah kana tirsan gobolka Faris ee koofurta Iran ku taala dadka degen ayaa mar isku dayay inay u qubeeyaan sanadkii 2011 hase ahaatee waa uu ka baxsaday mar dambase ayuu ku soo laabtay degaankaas.

Guriga uu degenyahay waxaa uu u egyahay qabri la weyneeyay mana laha saqaf kore sida ay warbaahintu tabinayso marka ugu daranse waa xilliga uu roobku da’ayo uu aad u necebyahay waxaana uu markaas raadsadaa meel aan roobka soo deyneyn.

Raashinka waxaa uu jecelyahay hilbaha xoolaha laakiin waxaa dhanka kale sheekadda xiisaha u yeelaya ayaa ah inuu maalintii uu cabo ugu yaraan 5 litter oo biyo ah.

Marka ay timuhu ku baxaan iskama jaro oo waa uu gubaa waxaana uu intaa ka cararayaa in marka uu timaha jaro uu u baahdo biyo uu iskaga dhaqo.

Camuu xaaji waa uu koobka qubeys la’aanta ka qaaday nin u dhashay dalka Hindiya oo 66 sanno jir ah oo aan qubeysan muddo 38 sanno ah kaasoo lagu magacaabo Kailash Singh.

Wargeyska Daily Mail oo asna sheekadaan wax ka qoray ayaa ku waramaya in ninkaan uu hadda baadi goob ugu jiro haweeney uu guursado oo ku jeclaata sida uu yahay.

W.Tarjumay Burhan Dini Farah
burhandiini@gmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!