Nin ay walaalo yihiin madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho lagu dhaawacay

by admin | Thursday, Mar 5, 2015

Muqdisho : HN :–Nin ay walaalo yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka kooxahan hubeysan ayaa C/llaahi Sheekh Axmed [Cabdullaahi Ubba] ku dhaawacay meel ku dhow gurigiisa oo ku yaala Xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawaca ninkan la dhigay mid ka mid ah Isbitaalada Turkiga, iyadoo xiriiro aan la sameynayMuqdisho1 eheladiisa ay inoo xaqiijiyeen in xaaladiisa ay wanaagsaneyd xalay.

Ninkan ayaa la sheegay inuu la shaqeynayay mid ka mid ah hay’addaha Turkiga, waxaana uu horay uga yimid dalka Koofur Afrika oo uu ku noolaa, xilligii uu Madaxweynaha ahaa Sheekh Shariif.

Ma jirto ilaa iyo hadda koox sheegatay weerarkan lagu dhaawacay ninkan la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!