Nin ilaahay ku badbaadiyey sadaqo uu la baxay, qiso cajiib ah

by Yahye | Tuesday, Feb 4, 2014

Gabar ayaa waxay ku Riyootay Nin ay Qaraabo yihiin oo Abeeso Cuntay, Aroortii ayay Gurigiisa Tagtay weyna u Sheegtay. Ninkii wuu Naxay wuxuuna yiri:- Neef ayaan Qalayaa Sadaqo ahaan. Neefkii wuu Qalay Deriska oo dhan ayuu u Qeybiyay. Waslad ayaa u soo Hartay markuu Damcay inuu Cuno ayuu Xasuustay Islaan Waayeel oo Deriska ah oo uu iloobay, Wasladii ayuu ula Cararay, wuu u Geeyay, waanu soo Noqday isagoon waxba u soo Harin.

Haddaba, Islaantii Hilibkii markay Cuntay ayay Laftii Tuurtay, Habeenkii ayay Abeesadii Timid, oo Xilligii Salaadii Subxeed ayaa la Arkay Abeesadii oo Laftii Liqday, Cunahana ay kaga Taagan tahay Abeesadiina sidaas ayaa lagu Dilay!, Subxanalaah Sadaqadaas ayuu Rabi ku Badbaadiyay. Ogoowna iney Sadaqadu ay kaa Badbaadineyso wixii Shar ahaa ee kugu soo Socday.

(ALLOOW SADAQADA NAGU BAD-BAADI, YAA RABBI).

https://www.facebook.com/Tariikhda.saxabada

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah