Nin Mareykanku siweyn u doon-doonayay oo u xirran dowladda Soomaaliya

by admin | Tuesday, Mar 3, 2015

Muqdisho : HN :–Nin Soomaali-Mareykan ah oo taksiile ku ahaan jiray magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla dalka Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Liibaan Xaaji Maxamed, oo 29-jir ah, ayaa ku jira liiska hay’adda FBI-da ee shakhsiyaadka argagaxisannimada loo haysto ee sida aadka ah loo doondoonayo.

FBI-da ayaa bishii January ee sanadkan ku dartay Liibaan dadka ay sida aadka ah u raadinayso, iyadoo ku eedeysay inuu taageero uLiibaan-Maxamed fidiyay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Ilaha Mareykanka ayaa sheegaya in hay’adaha ammanka Soomaaliya ay xireen Liibaan dhowr maalmood ka hor, haatan-na uu ku jiro xabsi ku yaalla dalka. Balse ma cadda haddii dowladda federaalka Soomaaliya ay u gacan galin doonto dowladda Mareykanka.

Liibaan ayaa ku noolaan jiray waqooyiga Virginia halkaas oo uu taksiile ka ahaan jiray. Wuxuu Mareykanka ka tagay sanadkii 2012.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!