Nin sheegtay in uu madaxweyne ka yahay gobollada dhexe oo xabsiga la dhigay

by admin | Wednesday, Oct 7, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :–Xoogaga Ahlu Sunna Waljameeca ayaa xabsiga dhigay nin sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Gobollada Dhexe, kaasoo shalay kaga dhawaaqay duleedka Dhuusa Mareeb.Ahlusuna-Waljamaca

Ninkan xabsiga la dhigay oo lagu magacaabo C/llaahi Dhoodi ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ahlusuna, hase ahaatee uu khilaaf soo kala dhex galay.

Sarkaalkan la xirray ayaa munaasabadshalay munaasabad ka dhacday deegaanka Ceeldheer oo ilaa 30-km u jirta Dhuusa Mareeb ka sheegay inuu yahay Madaxweynaha Gobollada Dhexe ee Ahlusuna.

Ciidamada Ahlusuna ayaa markii ay ka war heleen dhacdadan ku baxay deegaanka Ceeldheer, dabadeedna soo xiray, xabsigana dhigay, waxaana lagu wadaa in Maxkamad la soo taago.

Ahlusuna Wal-jameeca ayaa bilo ka hor waxay iyana Madaxweyne kaga dhawaaqeen Dhuusa Mareeb, wax yar kadib markii degmada Cadaado lagu doortay Madaxweynaha Galmudug.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!