Nin Soddon Sano Qabri ku jirey oo aan Waxba iska Bedelin

by Yahye | Thursday, Apr 17, 2014

Waddo Laami ah ayaa la Dhisaayey. Waxay ku soo Beegantay Qabuuro Qadiim ah oo Qofkii ugu Dambeeyey Soddon Sano ka hor lagu Xabaalay. Culimadu waxay Fatwoodeen in Qabuuraha meel kale loo Wareejiyo.

Ka dib waxaa la Magacaabay Guddi isugu jira Culimo, Dowladda hoose iyo Odayaashii Deegankaو si ay Howshaas u Fuliyaan. Mayd kasta markii la soo Faago waxaa loo Wareejinayaa Qabri kale oo loo Diyaariyey. Dadkaas Maydka ah waa wada Lafo, weyna is Beddaleen. Markii Dambe waxaa la Faagay Qabri, waxaana loogu tagay Nin Kafantiisu Cusub tahay, Udgoona ka soo Carfaayo, Jirkiisiina aan Waxba iska Bedalin.

Dadkii way yaabeen, iyaga oo Allaahu Akbar wada leh ayay Wejiga ka Feydeen, waxaana gartay Odayaashii waaweynaa. Maydkii waxaa loo geeyay Hooyadiis oo Weli Nooleyd, weyna garatay Wiilkeeda, Ilaahna wey ku Shukrisay.

Ka dib Dadkii markay Maydkii soo Aaseen ayey u yimaadeen Hooyadiis, waxayna ka Codsadeen iney uga waranto Wiilkeeda waxa uu ahaa iyo wixii uu Samayn jiray ee uu Karaamadaan ku helay. Hooyadii Wiilka dhashay Waxey tiri:- Wiilkaygu weligii Salaad Jamaaco ah kama Daahin, Takbiirta horena ma Dhaafin, mar kasta oo aan is Iraahdo Salaadda u Toosi, wuuba sii Toosay intuu Weysaystay oo waliba Masaajidkii sii aaday.

FIIRO GAAR AH:- Haddaba, Walaalayaal Salaaddu waa taas aad Aragteen Qofka Xafido waxey ka Badbaadisaa Cadaabta Qabriga, Ilaahna qabriga wuu u Nuuriyaa, wuuna ku Bad-baadiyaa.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW CADAABTA QABRIGA NAGA BAD-BAADI).

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah