Nin Somalida Finland ka timid oo Dil lagu xakumay magaalada Muqdsiho

by Yahye | Thursday, Nov 6, 2014

Muqdisho; HN;- Saciid Xaaji Xuseen oo ka mid ah Somalida ku nool dalka Finland, ayaa waxay Maxkamada Gobolka Banaadir ay maanta ku xukuntay xukun dil ah, ka gadaal markii lagu helay in uu dilay nin dhalinyaro ahaa.

Ninkaan oo markii hore la sheegay in uu ka mid ahaa Somalida ku soo laabatay dalka dalka, ayaa wuxuu 13-kii bishii hore ee October uu Axmed Cabdi Cosoble ku gowracay Masaajid ku yaala xaafada Arjantiin ee Degmada Kaaraan.

Dr. Maxamed Xasan Nuur, Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Qaranka, ayaa waxa uu Maxkamada horkeenay cadeymo ku aadan in Saciid Xaaji Xuseen, uu si bareer ah u gowracay marxuum Axmed Cabdi Cosoble.

Sidoo kale waxa uu Saciid Maxkamada ka hor qirtay in uu dilay Axmed Cabdi Cosoble, iyadoo aysan jirin wax sabab ah.

Dr. Xaashi Cilmi Nuur, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu ku dhawaaqay xukunka dil ah oo Maxkamadu ay ku riday ninka dilka lagu helay ee Saciid Xaaji Xuseen.

Dhacdadaan, ayaa bishii October gil gishay dareenka shacabka ku nool Magaalada Muqdisho, iyadoona ay noqotay middii loogu hadalhaynta badnaa.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!