Nin Somali/Mareykan ah oo lagu daray liiska argagixisada FBI-da

by admin | Friday, Jan 30, 2015

Washington: HN:- Carl Ghattas, oo ah Sarkaal sare oo katirsan Waaxda la Dagaalanka Argagaxisada FBI, ayaa sheegay in Liibaan Xaaji Maxa’ed ay ku dareen Liiska Shaqsiyaadka loogu doon doonis badan yahay, kadib markii ay ogaadeen inuu kamid yahay Alshabaab.

Liibaan Xaaji Maxa’ed ayaa waxaa la sheegay inuu Xog, Lacag & Inuu Dhalinyaro uga qori jiray dalka Meryaknka Al shabaab & Ururka Al Qaeda, waxaana uu Bishii July ee 2012 u safray dalka Soomaaliya isagoo wata Baasaboorka Mareykanka si uu Al shabaab ugu biiro.

Carl Ghattas,  ayaa xusay in Liibaan Xaaji Maxa’ed oo 29 Sano jir ah uu ahaa Tagsiile ka shaqeysta, kuna noolaa Waqooyiga Virginia & Washington, ee dalka Meryaknaka, waxaana laguu eedeeyay inuu Tababar siin jiray Dhalinyaro uu Xag-jir ka dhigay si ay ugu safraan dalka Soomaaliya oo ay u beegadaan Muwaadininta Reer Galbeedka.

Liban-Haji-Mohamed“Liibaan markii uu ku noolaa Waqooyiga Gobolka Virginia wuxuu ahaa Nin Tababar dhanka Dagaalka ah siiya Dhalinyarada doonaya inay ku biiraan Al shabaab, wuxuu sidoo kale Xog & Macluumaad kale siinayay Al shabaab,” ayuu yiri Carl Ghattas.

Carl Ghattas,  ayaa ku sheegay Warbixinta oo Shalay kasoo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mareykanka ee Virginia in sidoo kale ay FBI u balan qaaday Qofkii soo sheega Macluumaad lagu soo xiri karo Liibaan Xaaji Lacag gaaraysa $50,000 (Konton Kun oo Doolaar).

FBI ayaa sheegtay in Liibaan uu yahay Shaqsi Muhiim u ah Kooxaha Argagaxisada ee doonay ainay Weerarka ka geestaan Mareykanka, maadaama uu yahay Shaqsi si fiican u kala yaqaano Goobaha Muhiimka ah ee ku yaalla Washington, sida Meelaha laga Dukaamaysto, Garoomada Diyaaradaha, Dhismooyinka dowladda & Wadooyinka dhulka hoostiisa mara.

Liibaan waa Qof si fiican ugu hadla Luuqadaha Soomaali, English & Carabi, waxaana uu adeegsadaa Magacyo ay kamid yihiin Abu Ceyrow, Shirwac & Qatiil, wuxuuna aad uga dhawaa oo Saaxiibo lahaa Zachary Chesser, oo 25 Sano oo Xabsi lagu xukumay 2011 kadib markii uu Dhaqaalo u aruuriyay Al shabaab.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!