Sarkaal ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Shiinaha oo sheegay inuu is dilayo. WHY?

by admin | Tuesday, Dec 20, 2011

Howlwadeen ka tirsan shaqaalaha Safaarada Soomaalida ee dalka Shiinaha ayaa sheegay inuu qorsheynaayo in naftiisa uu gooyo,, wuxuuna howlwadeenkaasi ku sababeeyay is-dilka dhibaatooyin mudooyinkii ugu dambeeyay caqabad ku noqtay shaqadiisa, taasina ay keentay inuu isku dilo.

Dhacdadaan ayaa la sheegay inay noqotay mid ka yaabisay dad fara badan oo Soomaali ah, wuxuuna sarkaalkaan ku dhawaaqay wax ku cusub Dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed oo ah in ruux uu ku dhawaaqo inuu is dilaayo duruuf shaqo oo la soo gudboonaatay aawadeed.

Sarkaalkaasi sheegay inuu is dilaayo ayaa safaarada ka ah Xoghayaha koowaad ee Safaarada Soomaalida ee Dalka Shiinaha, waxaana lagu magacaabaa C/waaxid Maxamed Ibraahim liiqliiqato, waxaana dhalay Janaraal ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna ka soo jeeda degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

C/waaxid Maxamed Ibraahim liiqliiqato ayaa sheegay in loo diiday oo laga hor istaagay howlahiisa shaqo ee uu ka qaban lahaa safaarada soomaalida ee halkaasi, wuxuuna cadeeyay inay soo food saartay Xaalad nolol xumo, isagoo sheegay inuu is dilayo maadaama uu sheegay inuu waayay cid wax ka qabata dadka ka hortaagan howshiisa.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!