Nin u soo Islaamay kaliya inuu Hurdo Helo “Qiso Cajiib ah”

by Yahye | Monday, Feb 4, 2013 | 300 views

MakaSheekh Maxamed Xasaan oo kamid ah culumada waa weyn ee caanka ka ah dunida ayaa qisadan yaabka leh ku soo gudbiyay Barnaamijkiisa ka baxa Telefishinka Al-raxma.

Sheekh Maxamed waxa uu u dhashay wadanka Masar, waxa uuna kamid yahay culumada wadankaasi ugu waa weyn ee caanka ka ah, isla markaana dunidana si weyn looga yaqaanno.

Qisadan ayaa u dhacday sida uu Sheekhu sheegay in nin u dhashay wadanka Ingiriiska uu Diinta Islaamka u soo galay si uu hurdo u helo awgeed, waxaana ay ku timid sheekadu kaddib markii ninkaasi oo kolkiisii hore gaal ahaa uu arkay nin muslim carab ah oo beer ku taalla Ingiriiska hurdo la dhacay.

Ninkan muslimka ah ayaa si daggan gacmihiisa madaxa ka hoosmariyay iskana seexday, isagoo hurdo aad u macaan la dhacay, waxaana intii ninka muslimka ah uu seexanayay oo idil dusha sare kala socday ninkan gaalka ah oo dariishad uu daganaa ka daawanayay, waa uu ka soo dagtay gurigiisii waxa uuna u soo dhawaaday ninka muslimka ah ee jiifa, waxa uuna arkay inuu hurdo dheer gashaday oo uu khuurinayo.

Aad iyo aad ayuu u yaabay wuuna ka kiciyay hurdadii, markaasuu weydiiyay ‘Adiga yaa tahay?’ ninkii muslimka ahaa ayaa ugu jawaabay ‘waxaan ahay muslim..!’ ninkii gaalka ahaa ayaa weydiiyay ‘Muslimku ma sidan fudud ayuu u seexdaa?!’ ninkii muslimka ahaa ayaa jawaab ka siiyay, iyadoo sheekadoodiina ay sii socotay.

Ninka gaalka ah ayaa u sheegay ninka muslimka ah inuu muddo raadinayay si uu hurdo ku helo, waxa uuna u sheegay inuu dawooyin badan u isticmaalay sidii uu u hurdo ku heli lahaa awgeed.

Ninkii gaalka ahaa ayaa aaday Markaz Islaami ah,waxaana halkaas uu ku dhawaaqay Kalimadda Diinta Islaamka lagu soo galo ee Shahaadateynka, iyadoo halkaas lagu baray sida loo tukado.

Habeenkii ayuu seexday Markazka waxaana la tusiyay qaabka muslimiintu u seexdaan oo ah in dhanka midigta loo seexdo, ducooyinna la aqriyo, intaa markii loo dhameeyay ayuu la dhacay hurdo macaan.

Waxaa dhacday in loo kiciyay Salaaddii Subax, markaas ayuu ku yiri ‘Maya..maya ha i kicinina..!’ Sheekha waxa uu warinayaa in dadkii kiciyay ay u sheegeen inuu ka cabsanayo inuusan mar dambe hurdo helin haduu kaco, balse raggii kicinayay ayaa ku yiri ’Waad seexan doontaaye kac, hadda waxaa la joogaa xilligii salaadda..!’.Sidii ayuu ku kacay oo Salaaddii ku tukaday, balse markii Salaadda uu tukaday ayuu damcay inuu seexdo,waxaa lagu yiri ‘sug sug waxyar waxaa inoo dhiman inaan ducooyinka Subaxda aqrisanno, kadibna Shuruuqda aan u fariisanno, kadib ayaad hurdo dheer seexaneysaa Insha’allaah..!’ .

Qisada ayuu Sheekhu waxa uu ku soo afmeerayaa sida Diintu qiimaha badan noogu leedahay oo ay sababtay in hurdo oo qura nin gaal ahi uu ku soo islaamo.

https://www.facebook.com/TaariikhdaSaxaabada

Like it? Share it!