Nin xaaskiisii qudha ka jaray kadib markay u dhashay gabadhii sadexaad

by Yahye | Thursday, Feb 2, 2012 | 728 views

Tuulo ku taala waqooyiga Afqaanistaan ayaa waxaa ka dhacay arin argagax iyo amakaag ku keentay bulshadii ku dhaqnayd, kadib markii nin uu dilay xaaskiisii oo u dhashay sadex caruur ah. Sheer  Maxamed oo ah eedaysanaha ayaa sheegay in sababta uu xaaskiisa u dilay tahay inayna u dhalin wiil, isla markaana ay dhashay gabadhii sadexaad, taas oo niyad jab ku keentay. Waxaa uu sheegay inuu aad u jeclaa in xaasku wiil u dhasho, balse cadho xoog leh oo uu u qaaday haweenayda oo uu ku sifeeyay gabdhooley ay keentay falkan dilka ah.

Haweenayda la dilay oo da’deeda lagu sheegay 22 sano ayaa waxaa dilkeeda ka qayb qaatay sodohdeed oo dhashay Sheer Maxamed, oo sida muuqata iyana khaati billaaahi ka taagnayd gabdhaha kooxda ah ee wiilkeeda u dhashay, iyadoo iyada iyo wiilkeeduba xal u arkeen in xaaska la dilo inta ayna gabdho intan ka badan dhalin.

Gacan ku dhiigle Sheer ayaa isagu la sheegay inuu baxsaday, balse booliska ayaa ku guulaystay inay qabataan, jeelkana u dhaadhicayaan duqdii hooyadii ahayd. Caadada ah in awolaada la kala jeclaado, qaarkoodna la sharaysto ayaa caan ka ah wadamo badan oo ku yaala Aasiya oo ay Afqaanistaan ka mid tahay, iyadoo tusaale ahaan wadanka Indiya haweenku ilmaha iskaba soo tuuraan inta uu caloosha ku jiro hadii aalada loo yaqaano  ULTRASOUND ee lagu eego nooca uu yahay ilamaha caloosha ku jira, lagu arko in cunugu yahay gabadh.

Inkastoo dhaqanka Soomaalida laftiisa uusan wali ka dhamaan kala jeclaysiga wiilasha iyo gabdhaha, gaar ahaan bulshada ku dhaqan baadiyaha, ayaa hadana xaaladu aad uga duwan tahay tan lagasoo sheegayo Aasiya, waxaana tusaale u ah in Soomaalidu xoogaa horumar ah dhankaa ka samaysay ducada loogu duceeyo lamaanaha aqal gala oo la yiraahdo wiil iyo caano, gabadh iyo caano, taas oo horaan ahaan jirtay wiil iyo caano kaliya.

Like it? Share it!