Ninka gowraca uu qaabilsan Daacish oo la gartay magaciisa iyo dalka uu u dhashay

by admin | Thursday, Feb 26, 2015

Muqdisho : HN :– Ninka sidda weyn isku qariya ee wajiga xirran, islamarkaana ku labista dharka madow una qaabilsan kooxda Daacish gowraca, ayaa la gartay magaciisa iyo dhalashada dalka uu ka soo jeed.

BBC-da ayaa ogaatay in Ninkaas uu yahay Mohamed Emwazi oo ah muwaadin Kuwaiti haysta dhalashada ingiriiska, kaasoo loo maleynayo inuu deganaa Galbeedka London oo ay in badan insha ku hayeen laamaha amniga Ingiriiska.

Emwazi ayaa muuqaalkii u horeeyay ee uu ka soo muuqdo waxaa ahaa kii bishii Agosto ee sanadkii hore uu ku gowracay Wariyaha Mareykanka ahaa James Foley.

Ilaa iyo hada faah faahin rasmi ah lagama haayo ninkan, hase ahaatee dadka ayaa aad ula xiriirinayay inuu yahay ninkan MohamedMaxamed_Emwazi_John_Jihadi_IS Emwazi oo da’diisa lagu qiyaasay 27-jir

Sidoo kale ninkan ayaa gowracay wariye kale oo Mareykan u dhashay Steven Sotloff, sama fale u dhashay British David Haines, nin darawal ka ahaa Takaasida Alan Henning iyo nin kale oo Mareykan ah oo ka shaqeyanayay sama falka Abdul-Rahman Kassig oo loo yaqaanay Peter.

Ninkan ayaa aad ugu hadlayay lahjada British-ka ah, waxaana uu reer galbeedka ugu hanjabayay inuu dilay la heystayaal.

Bishii la soo dhaafay ayuu mar kale ka soo muuqday muuqaal kale oo cabsi ahaa, kaasoo ahaa dilkii labo muwaadin u dhalatay Japan oo lagu kala magacaabayay Haruna Yukawa iyo Kenji Goto.

Emwazi ayaa bartay cilmiga Computer-ka oo uu ka qalin jebiyay Jaamacad, sanadkii 2012 ayuu u safray dalka Suuriya, isagoo kadib ku biiray ISIS.

Saaxibada ninkan lagu magacaabo Emwasi ayaa u sheegay Washington Post in ninkan ka soo jeedo qoys wanaagsan,

“Wuxuu sida walaalkey oo kale, waa isaga waan hubaa, Mohamed waa Jihadi John”ayuu yiri nin saaxib la ahaa.

Sirdoonka reer galbeedka ayaa muddo raadinayay ninkan, iyadoo horay u cadeeyay inuu yahay mid ka mid ah dadka loogu doonista badan yahay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!