Ninkii abaabulay weerarkii Gaarisa oo mar saaxiib la ahaan jiray Axmed Madoobe

by admin | Friday, Apr 3, 2015

Gaarisa : HN :– Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u sheegtay in weerarkii lagu qaaday jaamacada magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen in ka badan 147 ruux oo soo maleegay ama abaabulay nin lagu magacaabo Max’ed Kuna [Dulayadeyn] ama Gacma-dheere, waxaana la sheegay in ninkaas oo mar soo wadda shaqeeyeen saaxiib dhawna ahaayeen madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Ninka lagu eedeynayo weerarka Gaarisa ka dhacay, ayaa waxaa uu Al-shabaab u qaabilsan yahay deegaannada Jubbooyinka, waxaana la sheegay in ay ka wadda tirsanaayeen Axmed Madoobe ururkii Raaskanbooni oo ahaa urur ka soo diga-rogtay ururkii Xisbul Islaam.

Dowladda Kenya ayaa horay lacag dhan 20 milyan oo shilinka Kenya u ballan-qaaday cid kasta oo soo sheegtay macluumaad la xiriira Gacma-dheere. al

Sawirka Axmed Madoobe iyo Dulayadeyn oo wadda fadhiya :

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo ka hadllay weerarkii Jaamacadii Gaarisa ayaa cambareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid wuxuushnimo ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!