Diyaarad rayid ah oo markii ugu horeysay caga-dhigtay degmada Buula-burte

by admin | Friday, Oct 2, 2015

2015102635793764758119157Diyaarad_ka_dagtay_Garoonka_Buulo_Burte (1)Buula-burte : HN :– Dadka ku dhaqan degmada Buula-burte ayaa siweyn ugu farxan dib u howl-galinta garoonka diyaaradaha degmada, oo markii ugu horeysay dib u bilabeen duulimaadyadii rayidka in ay isticmaalaan, kaddib markii ay dib u dayactir weyn ku sameeyeen garoonka ciidammada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Diyaarad ka soo duushay magaalada Muqdisho oo sidday dad rakaab ah ayaa markii ay ka dagtay garoonka diyaaradaha Magaalada Buulo-burte waxaa ka dagay rakaab rayid ah, iyadoo shacabka ku nool Degmadaas ay u arkeen in tani ay tahay markii ugu Horreysay oo ay arkaan Diyaarad ka dagaysa garoonka degmadooda muddo sannado ah.

Diyaarada ayaa siddoo kale sidday allaab kala gadisan, kuwaasoo noqonaya kuwii ugu horreeyay oo duulimaad lagu geeyo Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan; iyadoo shacabku ay si aad ugu farxeen.

2015102635793766693765707Diyaarad_ka_dagtay_Garoonka_Buulo_Burte (3)Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga saaray Magaalada Buulo-burte oo ah midda labaad ee ugu weyn Degmooyinka Gobolka Hiiraan waxay ku hayeen go’doomin, iyadoo aysan jirin gargaar iyo gaadiid ganacsi sida oo muddadaas galay Degmadaas.

Inkastoo, Al-shabaab laga Qabsaday Magaalooyin iyo Deegaanno Dhowr ah oo ku yaalla Soomaaliya ayaa Haddana Waxay weli ku sugan yihiin Meelaha Miyiga ah ee aadka ugu dhow magaalooyinkii laga Qabsaday, halkaasoo ay Weerarradooda kasoo Abaabulaan.

2015102635793766443906959Diyaarad_ka_dagtay_Garoonka_Buulo_Burte (4)Ugu dambeyn, Saraakiisha Howlgalka AMISOM ayaa sheegay in Ciidamadooda ay isku-Diyaarinayaan inay furaan Waddooyinka Xira ee isku xira Degmooyinka Gobolka Hiiraan iyo Deegaannada u dhexeeya Buulo-burte iyo Baladweyne, kuwaasoo ay maamusho Al-shabaab.

2015102635793764957453104Diyaarad_ka_dagtay_Garoonka_Buulo_Burte (6)2015102635793766875630903Diyaarad_ka_dagtay_Garoonka_Buulo_Burte (5)Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!