Obama Ayeeydiis oo Nairobi u timid si ay u soo dhaweyso wiilkeeda

by admin | Friday, Jul 24, 2015

Nairobi : HN :– Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa siweyn uga socota qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha dalka Mareykanka oo saacadaha soo socda laga fillayo in uu soo gaaro magaalada Nairobi.

Shacabka reer Kenya todobaadyadii aynu soo dhaafnay oo idil waxaa ay diyaar-garoow xoogan ugu jiraan siddii ay u soo dhaweynSarah_Obama_Nairobi_ObamaSarah_Obama_Nairobi_Obama lahaayeen Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo safar taariikhi ay ku tagi doona magaalada Nairobi.

Dadka soo dhaweynta Obama Nairobi u tagay waxaa ka mid ah SARAH OBAMA oo ah hooyada dhashay madaxweynaha dalka Mareykanka aabihii Husseen Obama, si ay u aragto wiilka ay ayeeyada u tahay.

Obama sacdaalkiisa magaalada Nairobi waxaa ku wehlin doona xaaskiisa, iyo labada gabdhood ee uu dhalay kuwaa oo siweyn u xiiseynaya in ay booqdaan halka asal ahaan uu ka soo jeedo aabahood soona arkaan qoyska awoowgood Husseen Obama oo ay ka mid tahay SARAH OBAMA,

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!