Obama oo daah furay shirka hal-abuurka ganacsiga oo Nairobi lagu qabanayo (Sawirro)

by admin | Saturday, Jul 25, 2015

abur_1Nairobi : HN :–Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo booqasho taariikhi ah ku jooga Dalka Kenya ayaa maanta magaalada Nairobi isaga iyo dhigiisa dalka Kenya si rasmi ah uga furay Shirka caalamiga ah ee hal-abuurka Ganacsiga.

Mr Obama oo Khudbad ka jeediyay shirka maanta ka furmay Magaalada Nairobi ayaa ku dhawaaqay in adduun lacageed oo gaaraya illaa $1 Billion oo Dollar oo lagu maal-gelinayo ganacsiga dunida.

abur_5Waxaa uu sheegay in Qaarada Afrika ay hada kusocoto wadadii horumarka, isaga oo ku amaanay dhinacyo badan ay hormarka kaga tilaabsatay qaarada, waxa uuna si gaar ah u amaanay dalka Kenya uu asal ahana kasoo jeedo.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in ka sokow hawlaha shaqo ee uu dalka Kenya u tegey in haddana safarkani uu micne gaar ah isaga u xambaarsan yahay gaar ahaan inuu la kulmo qaar ka mida qoyskiisa.

abur_3abur_2Shirweynahan oo ah kii lixaad ayaa waxaa ka qayb gelaya illaa kun qof oo ka mida ganacsatada Afrika, waxa uuna shirkan micno badan u sameenayaa qaarada Afrika, waxaana ka qeyb galaya shirka Hogaamiyaal Afrikaan ah uu ku jiro Madaxweynaha Kenya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!