Odawaa” ergada shirka ma dooran doonaan madaweynaha maamulka gobollada dhexe…

by admin | Monday, Jun 1, 2015

Cadaado : HN :–Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa kala qaaday shaqada u taala ergooyinka u fadhiya wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe, iyadoo maalmaha soo socda la meel marin doono dastuurka uu ku shaqeynayay maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka ayaa sheegay in waajibaadka saaran ergooyinka uu yahay ansixinta qabyo qoraalka ee axdiga KMG ee Maamul u sameynta Gobollada Dhexe, isagoo xusay in odayaasha dhaqanka ee beelaha Mudug iyo Galgaduud looga fadhiyo soo xulista Xildhibaanada.

“Mas’uuliyada ergada waa ansixinta Axdiga KMG, doorashada Madaxweynaha Mudug iyo Galgaduud waxaa is ka leh Baarlamaanka,odawaaaaa-640x480 Odayaasha dhaqanka ayaana wixii maanta ka dambeeya soo xuli doona Xildhibaanada”ayuu yiri Wasiir Odawaa oo shalay ka hadlayay wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in Gobollada Dhexe uu yeesho Maamul ay dadka deegaanka raalli ka yihiin, waxaana uu bogaadiyay sida ay howsha u socoto.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay ka hadlayay furitaanka shirka wajiga labaad ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe ayaa ka dalbaday in shirka lagu soo gaba gabeeyo ka hor inta aanu dhamaan bisha Ramadaan ee soo socota.

Si kastaba ha ahaatee marka la soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulka Gobollada Dhexe, waxaa ay soo dooran doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!