Oday 70 sano jiray iyo gabartiisa oo lagu dillay degmada Qoryooley

by admin | Thursday, Jan 1, 2015

Qoryooley : HN :–Rag hubeysan ayaa maanta ku toogtay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, oday 70-jir ah iyo gabadhiisa, iyadoo maamulka degmada uu dilkaas ku sheegay inuu ahaa mid ay siyaasadi ka dambeyso.

Xoghayaha maamulka Qoryooleey oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in odayga iyo gabadha lagu dilay duleedka degmada, ayna wadaan baaritaanno ku saabsan sidii ay u ogaan lahaayeen dilka labadan qof loo geystay.

“Oday 70-jir ah iyo gabadhiisa oo xoolo dhaqato ahaa ayaa maanta dulleedka Qoryooley lagu dilay; waxaana dilkan uuBastoolad dilkan ay la xiriirtaa maamullada la sameynayo, waayo waxay ahaayeen dadkan xoolo dhaqato,” ayuu sheegay xoghayaha maamulka degmada.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in kooxo hubeysani ay gurigooda ugu tageen, isla markaana ay ku yiraahdeen qoriga keena, markii uu u sheegay in wax qori ah uusan haysan oo uu beeraley iyo xoolo dhaqato yahay ayay toogteen.

“Dilkan waa mid siyaasadeysan oo ah in qofkii aan digil iyo mirifle ahayn oo qori haysta in qoriga laga qaado, haddii uusan haysanna la dilo, waana dil siyaasadeysan,” ayuu mar kale xoghayaha.

Mar la weydiiyay sida ay ku ogaadeen in dilkan uu yahay mid siyaasad salka ku haya ayuu kaga jawaabay in wararka soo gaaray markii uu dilku dhacay uu ahaa inuu yahay mid salka ku haya siyaasadaha dhismaha maamullada gobollada ee dalka laga hirgelinayo, mana ahan wax sababo loo raadin karo in oday 70-jir ah la dilo.

“Waan baaraynaa marka aan leennahay, waa inaan howsheenna qabannaa; dilkanna wuxuu qayb ka yahay dilal dhawaantan ka socday gobolkan,” ayuu hadalkiisa raaciyay xoghayaha maamulka degmada Qoryooley.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto wax warar kale oo ku saabsan dilka loogu geystay degmada Qoryooley duleedkeedan odaygan 70 jirka ah iyo gabar la sheegay inay gabadhiisa ahayd.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!