Oday dhaqameed caan ah oo lagu dillay degmada Ceelbuur ee gobollka Galguduud

by Somali | Friday, Dec 7, 2012 | 1 views

Ceelbuur : HN :   Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad ku sugan Ceelbuur xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Ceelbuur ee gobollka Galguduud ayaa halkaa ku dillay nabadoon caan ka ahaa degmada.

Rag hubeysan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay in ay xalay gurigiisa ugu tageen ninka odayga ah, iyaga markii ay ka soo kaxeysteen guriga ku toogtay magaalada dhaxdeeda, sida ay xaqiijinayaan dad la socday dhacdada.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay markiiba goobta ka baxsadeen, laakiin ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay arintan ka soo saareen horjoogayaasha Al-shabaab ee ku sugan degmada.

Dadka ku dhaqan Ceelbuur ayaa ku tilmaamay falkaasi in uu ahaa mid cadawtooyo, ayna fuliyeen shaqsiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!