Odayaal B/weyne ku shiray oo ka soo horjeestay goáankii golaha wasiirada

by Yahye | Thursday, Oct 16, 2014

B/weyne; HN;- Kulan aay maanta isugu yimaadeen odayaasha beesha Xawaadle ee magaalada B/weyne ayay waxay ka soo saareen goáamo aay uga soo horjeedaan golaha wasiirada, oo dhawaan goáamiyey in guddi loo saaro colaada ka jirta deegaanka Deefoow.

Odayaasha ayaa yiri, qaar ka mida wasiirada waxay qeyb ka yihiin colaada ka jirta gobolka Hiiraan, sidaa daraadeedna aanay dhex dhexaad ka noqon karin.

Odayaashan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in golaha wasiirada ee shalay shiray aanay taageersaneyn goáankooda, sidaa daraadeedna aay uga digayaan inay yimaadaan magaalada B/weyne.

Kulankan oo ahaa mid uun lagu diidanaa goáanka golaha wasiirada, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa odayaal aad u farabadan, iyagoona dhamaantood isku waafaqay in laga horyimaado goáanka wasiirada qaar ku shiray magaalada Muqdisho.

Golaha wasiirada ayaa dhawaan guddi u magacaabey dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanka Deefow, iyadoona gudigu la kulmay saraakiisha ugu sareysa AMISOM ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa inay kala hadleen sidii ciidamo ka socda loo geyn lahaa deegaanka Deefow.

Dagaalka Deefoow ee u dhexeeya labo beelood ayaa ah mid soo noq noqday iyadoona lagu soo waramyo in leeysku hub aruursanayo dhawaana laga cabsi qabo in dagaal weyn uu halkaa ka dhaco.

Hiiraan Net

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!