Odayaal dhaqameed lagu dilay dulleedka degmada Balan-bale ee gobolka Galguduud

by admin | Wednesday, Nov 11, 2015

Galguduud : HN :–Wararka naga soo gaaraya degmada Balan-bale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in meel dulleedka ka ah degmada lagu dillay saddex ruux oo labo ka mid ah la sheegay in ay ahaayeen odayaal dhaqameed.

Wararku waxaa ay sheegayaan in odayaasha  maanta barqadii ka ambabaxeen degmada Balanbale, iyagoo u joogay howlo la xiriiraydedeg dhismaha mamaul iyo la tashi qeybaha bulshada ah, iyadoo markii ay degmada ka soo anbabaxeen meel dulleedka ka ah gaari ay la socdeen lagu rasaaseeyay.

Kooxaha hubeysan ee rasaasta ku furay gaari ay wateen odayaasha dhaqanka, ayaa la ogeyn dhinaca ay ka tirsan yihiin, waxaana gaariga waqtiga rasaasta lagu furayay la sheegay in uu ku sii jeeday degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud.

Lama oga cida ka dambeysay weerarkan, hase ahaatee waxaa la isla dhex marayaa inay ahaayeen dableyda weerarka ka dambeysay kooxo ka soo horjeeday Maamulka lagu dhisay Balanbale ee xalay lagu dhawaaqay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!