Odayaal dhaqameed soo dhaweeyay caleemo saarka nabadoon Axmed C/dulle Jimcaalle

by admin | Saturday, Sep 27, 2014

Beledweyne : HN :– Odayaal iyo waxgarad maanta kulan ku yeeshay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay nabadoon Axmed C/dulle Jimcaalle oo magaalada Muqdisho ay ku calleemo mid ka mid ah beellaha dega gobolka Hiiraan.

Odayaashii iyo waxgaradkii ka hadllay kulanka ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhawenayaan5 nabadoonka cusub oo sidda ay hadalka u dhigay awood u leh in uu ka soo baxo howsha ay beesha u Idmatay.

‘’Waxaan halkan u fadhinaa maanta in aan muujinno taageerada beesha ee nabadoon Axmed C/dullle Jicmaale oo lagu caleemo saaray magaalada Muqdisho, waxaan ballan-qaadeynaa in aan la shaqeyn doono,’’ ayuu yiri nabadoon Cali Dheere.

Nabadoonka cusub ayaa badali doona Alle ha u naxariisten nabadoon Axmed Cabdi Caalin oo dhawaan ku geeriyooday qarax miino oo lala eegtay gaari uu saarnaa xili uu ku safray wadada isku xirta degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!