Odayaal iyo waxgarad eedeyn ballaaran u jeediyay wasaarrada arrimaha gudaha

by admin | Saturday, May 16, 2015

Cadaado : HN :– Odayaal iyo waxgarad ku sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa eedeyn ballaaran u jeediyay wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in ay fara-galin toos ah ku heyso habsami u socodka shirka.

Odayaashan oo ka tirsan gudigga loo dirray soo xulista ergada dooraneysa madaxweynaha ee ku xareysan xarunta Kafaalo, ayaa waxaa ay sheegeen in wasaarrada arrimaha gudaha ay badashay odayaashii sharciga ahaa oo ay ku badashay odayaal kale.

”Wasaarrada arrimaha gudaha awood uma laha in ay badasho odayal dhaqameed muddo bil ah ku xareysnaa xarunta Kafaallo, oo ay ku 22badasho shaqsiyaad danno gaar ah laga leeyahay ayuu yiri” Nuur Guutaale oo ka mid ahaa odayaashii shirka ka jaraa’id ka hadlay.

Odayaasha ayaa sheegay in cawaaqib xumada ka dhalan karta arrintan mas’uuliyadeeda ay qaadi doonto wasaarrada arrimaha gudaha iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya.

Waxaa ay ku hanjabeen odayaasha haddii aan tallaabo cad laga qaadin fara-galinta wasaarrada arrimaha gudaha, arrintaa ugu danbeyntii sababi karto in shirku bur buro.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya eedeynta loo jeediyay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!