Philib Lazzarine oo gaaray maanta magaalada Beledweyne [Sawirro]

by admin | Wednesday, Dec 3, 2014

SDC10352Beledweyne : HN :–Wafdi uu horkacayay  Philib Lazzarane oo ah isku-duwanaha arrimaha bani’aadannimada QM ayaa maanta gaaray magaalada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnaha wafdiga ayaa kulamo la qatay mas’uuliyiinta heer gobol iyo degmo, saraakiisha hay’addaha samafalka ka howlgala magaalada Beledweyne, isaga oo dhinaca kalana booqda isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

3Wafdiga QM ayaa kala hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobolka xaalada guud ee bani’aadannimo ee gobolka, waxaana warbixin laga siiyay nolasha dadka barakacayaasha ah oo ay saameynta ku yeesheen fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada iyo dadka ka soo barakacay dagaallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka.

Dhinaca wafdiga ayaa tagay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo ay ku jiraan bukaanno kala duwan, waxaana uu halkaa warbixin guud oo ku saabsan xaalada isbitaalka uu ka dhageystay maamulka iyo shaqaallaha, isaga oo ku soo wareegay dhamaan qeybaha isbitaalku ka kooban yahay.

4Socdaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu magaalada Beledweyne ku soo gaaro Philib Lazzarine isku duwanaha arrimaha bani’aadnimada QM, waxaana uu safarkan ku soo beegamayaa xili daafaha magaalada ay daadsan yihiin dadkii ka barakacay fatahaadii ku dhufatay dhawaan magaalada Beledweyne.

SDC10306Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!