Pro Cali Khaliif Galeyr oo shir uga qeyb-gallaya magaalada Addis Ababa, Itoobiya

by admin | Monday, Oct 20, 2014

Buuhoodle : HN :– Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, isagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu uga qeybgalayo shir.

Cali Khaliif Galleyr oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu Addis Ababa ka dhacayo shir looga hadlayo arrimaha federaalka ee Soomaaliya, kaas oo uu xusay inay sidoo kale ka qeybgali doonaan mas’uuliyiin ka socota dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo wakiillo kaGaleyr safa socda maamul-goboleedyada ka jira dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ee ka soo jeeda deegaannada maamulka Khaatumo.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa ku hanjabay in ay tallaabo qaadi doonaan haddii aanu maamulka Puntland joojin faragelinta uu ku eedeeyay,

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!