Pro Dalxa ” ra’iisal wasaaraha faragalinta halaga daayo howlihiisa shaqo

by admin | Monday, Feb 2, 2015

Muqdisho : HN :–Pro Max’ ed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in faragalin xoog leh lagu hayo howlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha isaga oo ku baaqay in faragalinta laga daayo.

Waxaa uu sheegay xildhibaan Dalxa in ra’iisal wasaaraha bulshada ka sugeyso xukuumad dalka badbaadin karta,isla markaana leh karti iyo hufnaan, hase ahaatee aan loo baahneyn in fara gelin lagu sameeyo.

“Waxaa u arkayaa in Ra’iisul Wasaaraha wixii qaladaad ee horay u jiray, ama culeys ha noqoto ama fara gelin ha noqoto, in meelo kale isaga ay ka heystaan ayay ila tahay oo arrimo aan anaga inoo soo bandhigi karin ay yihiin ayaa dareemeynaa”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaan Dhalxa ayaa ku taliyay in Ra’iisul Wasaaruhu howshiisa loo madax banaaneeyo, si uu u qaado mas’uuliyaddaDhalxa-170x114 dadka uu soo xusho hadii ay wax qaban waayaan.

“Waxaa baaqeena raacineynaa hadii ay jiraan cid isaga fara gelin ku hayaan inay ka daayaan oo uu howshiisa u madax banaanaado, Umadda waxay ka sugeysaa Xukuumad wanaagsan, dadka uu keeni doono mas’uuliyaddooda isaga xambaari kara, hadii berri xil gudasho la’aan la yimaadaan oo ay howlihii loo igmadan gudan waayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Dhalxa.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa waxaa la soo darsay caqabado siyaasadeed dhinacyo badan ugu imanaya,  oo kan ugu weyn yahay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo labo jeer oo hore ku hor-kufay Baarlamaanka, markii Xukuumad uu soo dhisay uu la laabtay, waxaana haatan uu heystaa muddo 10-cisho uu ku soo dhameystirayo Xukuumadda uu soo magacaabay 27-kii bishii hore ee aan wali kalsoonida ka helin Baarlamaanka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!